Kenya oo ka mid ah wadamada looga dabaaldegayo maalinka shaqaalaha

Waxaa maanta dalka iyo guud ahaan caalamka looga dabaaldegaya maalinka shaqaalaha adduunka oo sannad kasta la xuso 1-da bisha shanaad oo maanta ku began.
Xuska maalinka shaqaalaha ee sannadkan ayaa ku soo beegantay iyadoo caalamka uu la daala dhacayo xanuunka Covid-19.
Xoghayaha guud ee COTU Mr. Francis Atwoli ayaa madaxweynaha dalka ku booriyay in in dadka a aan wax canshuur laga qaadin dadka mushaarkoodu ka hooseeya 24,000 oo loo kordhiyo lagana dhigo 100 kun .
Hasaahaatee madaxweynaha oo uu jawabayo Mr Atwoli ayaa xusay in la tixgelinayo soo jeedintiisa iyadoo dhaqaalaha dalka uu hoos u dhacay.
Xoghayaha Cotu Mr Atwoli ayaa soo jeediyay in la kala diro xubnaha guddiga musharaadka iyo gunnooyinka ee SRC.
Waxaa uu guddigan ku eedeynayaa inuu ka tallaabsaday waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Dhanka kale madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu hoos u dhigay qiimaha badeecooyinka si loogu caawiyo shaqaalaha Kenya.
Uhuru ayaa sheegay in dadka Kenyaanka ay tahay in ay isu yimaadaan si si loo yareeyo shaqo la’aanta oo uu sabab u noqday cudurka Coronaviryus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here