DHAGAYSO:Kenya oo ka mid ah wadamada looga dabaaldegayo maalinka shaqaalaha

Waxaa maanta la filayaa in dalka iyo guud ahaan caalamka looga dabaaldego maalinka shaqaalaha adduunka oo sannad kasta la xuso 1-da bisha shanaad oo maanta ku began.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo dalladda ay ku mideysanyihiin shaqaalaha wadanka ee (FKE) ay ka soo horjeesatay soojeedin ka timid ururada shaqaalaha ee COTU.
Xoghayaha guud ee COTU Mr. Francis Atwoli ayaa doonaya in dowladda ay shaqaalaha kala duwan u sameyso mushaar kordhin ah boqolkiiba 15.
Mr. Atwoli ayaa ku doodaya in haddii musharaadka shaqaalaha la kordhiyo boqolkiiba 15 dowladda ay u fududaan doonto inay dhaqangeliso mashaariicda dhanka guriyeynta ah.
Sido kale dabaaldegga sannadkan ayaa ku soo aadaya iyadoo weli uu muran ka taagan tahay qorsho dowladeed oo ah in boqolkiiba 1.5 la dhimo musharaadka shaqaalaha si lacagtani loogu adeegsado mashruuc ay dowladu ku dhiseyso guriyo taya ahaan wanaagsan qiimo macquul ahna ay dadweynaha ku degi karaan.
Xuska maalinka shaqaalaha ee sannadkan ayaa maanta lagu qabanayaa beerta xuriyadda ee Uhuru Park ee magaaladatani Nairobi.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inuu halkaasi ka jeediyo khudbad dhinacyo badan taabanaysa.
Qaar ka mid ah Kenyaanka ayaa muujinaya dareenkooda ku aaddan micnaha maalinkan ay leedahay iyo waxyaabaha ay madaxweyne Kenyatta ka rajeynayaan inuu soo hadal qaado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here