Kenya oo ku guulaysatay ka mid ahaanshaha golaha ammaanka ee QM

Waxay guul u soo hooyatay dowladda Kenya oo dadaal badan ku bixinaysay inay xubin aan joogto ahayn ka noqoto golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Tani ayaa timid kaddib markii ay shalay Jabuuti kaga badisay wareegii labaad ee codeynta.
Waxaa codkooda dhiibtay wakiillada 191wadan oo 129 ka mid ah ay u codeyeen Kenya halka Jabuuti ay heshay 62 codad ah.
Waxay tani micnaheedu tahay in Kenya ay kaalin ku lahaan doonto qaadashada go’aammada ku aaddan amniga caalamka, xayiraadda , adeegsiga awoodda ciidan ee nabadda lagu raadiyo iyo soo xulidda garsoorayaasha maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ.
Sido kale Kenya ayaa ku biiraysa 9 xubnood oo aan joogto ka ahayn golaha UNSC iyo wadamada Ruushka, Ingiriiska, Maraykanka, Shiinaha iyo Faransiiska oo leh awoodda codka qayaxan ee diidmada.
Dowladda dalka ayaa in muddo ah waday olole xooggan oo ku aaddan ka mid ahaanshaha golaha ammaanka ee qaramada midoobay waxayna wadamada kale ku qancinaysay inay door muhiim ah ka qaadatay xasiloonida gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here