Kenya oo ku talisay in la xalliyo dhibaatooyinka ka dhasho isbeddelka cimilada

Madaxweynaha dalka ayaa ku baaqay in si degdeg ah la isaga kaashado wax ka qabashada caqabadaha ka dhasho isbeddelka cimilada ee saameeya qaaradda Afrika.
Waxaa uu sheegay in dhibaatadan ay sababtay Ayaxii dhawaan ku degay qaybo ka mid ah dalalka bariga Afrika.
Sido kale abaaraha iyo fatahaadaha soo noqnoqdo ayuu Mr. Kenyatta carrabka ku dhuftay inay culeys sii kordhaya oo dhinaca dhaqaalaha ah ku hayaan qaaradda.
Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Ayaxa uu wax u dhimay waxyaabihii ay ku tiirsaneyd nolosha beeralayda sido kalena uu sababay khatarta cuno yarida.
Mr. Kenyatta ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu isagoo ku sugan madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House kaga qayb galay kulan qaab online ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here