Kenya oo laga diiwaangeliyay tiradii ugu badneyd ee dadka cudurka Covid-19 ka bogsaday

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa galinkii dambe ee shalay shaacisay in 54 qof oo dheeraad ah oo la xanuunsanaa cudurka Covid-19 ay caafimaadeen.
Tiradan ayaa ilaa iyo hadda bukaanka gudaha wadanka kaga bogsaday xanuunkan ka dhigtay 553.
Xaaladaha coronavirus ee laga xaqiijiyay gudaha wadanka ayaa gaaraya 2,216 kaddib markii cudurka laga helay 123 qof oo dheeraad ah.
Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Rashid Aman ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay howlwadeenada caafimaadka ee la tacaalaya cudurka.
Waxaa uu dhanka kale Kenyaanka ugu baaqay inay sii wadaan u hoggaansanka amarrada dowladda iyo talooyinka caafimaad ee lagu xakameynayo faafitaanka fayraska.
24-kii saacadood ee la soo dhaafay waxaa cudurka u dhintay saddex qof oo dheeraad ah waxayna hadda dhimashada guud ee dalka maraysa 74.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here