Kenya oo laga xaqiijiyay 271 xaaladood oo cusub oo COVID19 ah

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta shaacisay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay gudaha wadanka laga xaqiijiyay kiisas cusub oo coronavirus oo dhan 271.
Tani ayaa tirada guud ee kiisaska cudurka ee ilaa iyo hadda la diiwaangeliyay ka dhigtay 30,120.
Natiijada maanta la shaaciyay ayaa laga soo saaray baaritaan lagu sameeyay dheecaan dhan 3,746 .
Tan iyo markii gudaha dalka lagu arkay coronavirus waxaa la baaray 391,416 oo dheecaan ah.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in xaaladaha cusub ee maanta , 268 ka mid ah ay Kenyaan yihiin halka saddexda kalena ay ajaaniib yihiin.
Waxay isugu jiraan 170 rag iyo 101 haween ah oo ay da’dooda u dhexeyso canug dhallan 8 bilood iyo qof 86 sano jir ah.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay inay cudurka u dhinteen labo qof oo dheeraad ah tani oo dhimashada guud ka dhigtay 474.
Sido kale waxaa cudurka ka caafimaaday oo isbitaallada laga saaray 686 bukaan waxayna hadda bogsashada guud tahay 16,656 .
Kiisaska maanta la sheegay waxaa laga kala diiwaangeliyay ismaamulka Nairobi 126, Busia 14, Kirinyaga 13, Machakos 12, Narok 12, Kiambu 11, Kajiado 10, Kitui 10, Nakuru 10, Kisumu 8, Samburu 8, Garissa 8, Mombasa 6 ,Nyeri 4, Trans-Nzoia 4, Taita Taveta 3, Lamu 3, Kakamega 2, Kisii 2, Bungoma 1, Kilifi 1, Makueni 1, Murang’a 1 iyo Siaya oo hal xaalad ah.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here