Kenya oo laga xaqiijiyay tiradii ugu badneyd ee maalin qura ee Covid-19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa galabta shaacisay xaalado cusub oo la xiriira cudurka Covid-19 oo gaaraya 688.
Tiradan ayaa ah midii ugu badneynd ee 24 saac gudahood laga diiwaangeliyo gudaha wadanka.
Waxay tani tirada guud ee kiisaska coronavirus gudaha dalka ka dhigaysaa 12, 750 tan iyo bishii saddexaad oo xaaladii ugu horeysay la xaqiijiyay.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in marka dheecaan badan la baaro ay sareynaysa natiijada soo baxdo.
Kagwe ayaa carrabka ku dhuftay in xaaladahan cusub laga soo saaray baaritaano lagu sameeyay 4,522 oo dheecaan ah.
Dadka ugu dambeeya ee cudurka laga helay waxay da’doodu u dhaxaysaa canug 7 biloo dhallan iyo qof 95 sano jir ah.
Dhanka jinsiyadda waxay isugu jiraan 425 rag iyo 263 dumar ah.
Waxaa maanta cudurka u dhimatay 3 qof taas oo dhimashada guud ka dhigeyso 225.
457 ka mid ah bukaanadii uu soo ritay cudurka COVID-19 ayaa maanta isbitaallada laga saaray waxayna hadda tirada dadka cudurka kaga caafimaaday gudaha dalka tahay 4,440.
Waxaana ilaa iyo hadda kiisas kala duwan laga soo tabiyay 44 ka mid ah 47-da ismaamul ee uu wadanka ka kooban yahay oo uu ugu dambeeyay ismaamulka Tana River.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here