Kenya oo laga xaqiijiyay tiradii ugu badneyd ee maalinla ee Covid-19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa galabta shaacisay xaalado cusub oo la xiriira cudurka Covid-19 oo gaaraya 260.
Tiradan ayaa ah midii ugu badneynd ee 24 saac gudahood laga diiwaangeliyo gudaha wadanka.
Waxay tani tirada guud ee kiisaska coronavirus gudaha dalka ka dhigaysaa 4,738 tan iyo bishii saddexaad oo xaaladii ugu horreysay la xaqiijiyay.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in marka dheecaan badan la baaro ay sarreynaysa natiijada soo baxdo
Kagwe ayaa carrabka ku dhuftay in xaaladahan cusub laga soo saaray baaritaano lagu sameeyay 3, 651 oo dheecaan ah.
Dadka ugu dambeeya ee cudurka laga helay waxay da’doodu u dhaxaysaa canug 7 biloo dhallan iyo qof 90 sano jir ah.
Dhanka jinsiyadda waxay isugu jiraan 176 rag iyo 84 dumar ah.
Boqol maalmood ayaa ka soo wareegatay markii ugu horreysay ee cudurka lagu arkay gudaha dalka waxaana ilaa iyo hadda kiisas kala duwan laga soo tabiyay 40 ka mid ah 47-da ismaamul ee uu wadanka ka kooban yahay.
6 ka mid ah dadkan ayaa ajaaniib ah halka inta kalena ay Kenyaan yihiin.
21 ka mid ah bukaanadii uu soo ritay cudurka COVID-19 ayaa maanta isbitaallada laga saaray waxayna hadda tirada dadka cudurka kaga caafimaaday gudaha dalka tahay 1,607.
Kiisaska maanta waxaa laga kala xaqiijiyay ismaamullada Nairobi, 157
Mombasa, 42, Kwale, 15 Kiambu, 14 Machakos, 9
Kajiado, 7 Migori, 3 Nakuru, 3
Busia, 3 Homabay, 2 Kilifi, 1 Kisii, 1 Kisumu, 1
Kakamega, 1 Laikipia, 1.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here