Kenya oo laga xusaya maalinka haweenka adduunka

Dalka Kenya ayaa ka mid ah wadamada caalamka ee maanta looga dabaaldegaya maalinka haweenka adduunka.
Xuskan ayaa la qabtaa sannad kasta taarikhdu marka ay tahay 8-da bisha saddexaad ee maarso.
Hal ku dhigga xuska maalinka haweenka adduunka ee sannadkan ayaa ah in sinnaanta ay cid kasta ka faaiido.
Waxaa qof waliba oo bulshada ka mid ah lagu boorinaya inuu ka soo baxo kaalinteeda ku aaddan ka shaqeynta sinnaanta jinsiyadeed.
Shirkadda qaran ee duulimaadyada ee Kenya Airways ayaa iyadoo haweenka ku sharfaysa waxay go’aansatay inay safraan saddex diyaaradood oo gaar ah oo mid kasta ay waddo duuliye dumar ah.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Machakos , Joyce Kamene ayaa dhankeeda ku baaqday in wax laga qabto falalka faraxumeynta gabdhaha ee saameynta ku yeesha waxbarashadooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here