Kenya oo lagu ammaanay dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa

65

Dowladda Spain ayaa maamulka talada haya ee Jubilee ku ammaantay qaabka uu ula dagaalamayo musuqmaasuqa , falalka wax isdabamarinta iyo dembiyada dhaqaale.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tageeradan ka helay wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Spain Joseph Borell Fontelles oo shalay ugu tagay madaxtooyada state house.
Mr. Borell ayaa sheegay in sida dowladda Kenya ay u muujinayso inay ka go’antahay cirib tirka musuqmaasuqa ay kalsooni buuxda ku dhalin karto maalgashatada caalamka.
Sido kale wasiirka arrimaha dibadda ee Spain ayaa Mr. Kenyatta iyo madaxa urur weynaha mucaaradka Nasa Raila Odinga ku boogaadiyay kulankii taariikhiga ahaa ee ay yeesheen 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore.
Mr. Fontelles ayaa xusay in kulankaasi uu tusaale u noqday qaabka ugu wanaagsan ee lagu xallin karo khilaafaadka iyo isqabqabsiga ka dhex jiro mas’uuliyiinta wadamada kala duwan.
Waxaa uu sido kale ku nuuxnuuxsaday in dowladda Spain ay diyaar u tahay inay Kenya iskaashi dhow la lahaato oo ayna ka taageerto qorshayaasha ugu waweyn ee maamulka Jubilee sida helidda adeegyo caafimaad oo dhamaystiran, wax soo saarka, guriyeynta iyo la tacaalidda cuno yarida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here