Kenya oo lagu daray liiska wadamada loo dalxiis tagi karo

Kenya ayaa ka mid noqotay sagaal waddan oo si weyn ula tacaalay cudurka COVID19 oo ay suurtagal tahay in loo yimaado safarrada ganacsiga iyo howlaha dalxiiska sida ay qortay majallada Forbes Magazine.
Wadamada kale waxaa ka mid ah Mexico, Turkiga, Maldives iyo imaaraadka gaar ahaan magaalada Dubai.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa horay u sheegtay in dalka aynan ka jirin xayiraad adag oo dhanka safarrada ah.
Ajaaniibta wadanka imaanaya ayaa laga doonaya inay soo bandhigaan caddeyn ku saabsan in cudurka COVID-19 laga baaray oo aan laga helin.
Waxaa la doonaya in baaritaanadan ay noqdaan kuwo la sameeyay ugu yaraan 96 saacadood ka hor inta uunan qofku wadanka imaan.
Sido kale waxaa Kenya inay liiska wadamadan ka mid noqoto u fududeeyay in maalmihii ugu dambeeyay gudaha dalka laga xaqiijinayay kiisas coronavirus oo tiro ahaan ka hooseeya intii horay loo diiwaangelin jiray.
Kenya waxaa ilaa iyo galinkii dambe ee shalay laga xaqiijiyay kiisaska cudurka COVID19 oo dhan 34,705 waxaa cudurka ka caafimaaday 20,644 qof halka ay u dhinteen 585 .

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here