Kenya oo loo soo diraya dhakhaatiir dheeraad oo u dhashay Cuba

Waxaa la filaya inay dalka yimadaan howlwadeeno caafimaad oo dheeraad ah oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadanka Cuba.
Saraakiishan oo ahaa ilaa 20 ayaa leh takhasusyo gaar ah waxayna gacan ka gaysan doonaan la dagaalanka cudurka sii faafaya ee COVID19.
Galinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in dhakhaatiirtan ay dalka soo gaaraan sida uu warbaahinta u xaqiijiyay safiirka dowladda Kenya ku matalo Cuba Ambasadoor Mr Anthony Muchiri.
Waxaa uu xusay in tani ay qeyb ka tahay xoojinta xiriirka ka dhexeya labada dal oo uunan jirin wax qarash oo kaga baxaya Kenya marka laga soo tago duulimaadka iyo hooyga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here