Kenya oo looga baroordiiqaya geerida madaxweynihii labaad ee dalka

Waxaa dalka looga baroordiiqaya geerida ku timid madaxweynihii labaad ee dalka ee saaka geeriyooday Daniel Toroitich Arap Moi.
Mas’uulkan hore ayaa abaare 5:20 daqiiqo arroornimo ee maanta ku geeriyooday isbitaalka Nairobi Hospital oo uu kujiray tan iyo bishii Tobnaad ee sannadkii hore.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo qaranka la hadlay ayaa sheegay in Kenya uu ka baxay siyaasi rug caddaa oo waxyaabo badan laga bartay.
Wuxuu xusay inuu ka mid ahaa shakhsiyaadkii siyaasad ahaan arrimo badan oo khibrad iyo xeelad isugu jiro ka kororsaday Moi.
Ruto ayaa sido kale Daniel Arap Moi ku ammaanay sidii uu u jeclaa waxbarashada iyo dadaalkii uu ku bixin jiray .
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu murugada la qeybsanaya qoyska madaxweynihii hore ee dalka, eheladiisa, asxaabtiisa iyo dhamaan Kenyaanka.
Sido kale William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in madaxa shaqaalaha dowladda Joseph Kinyua uu guda galayo isku dubaridka tallaabooyinka xiga iyadoo la raacaya amar ka soo baxay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo ku maqan Maraykanka.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa intaas ku daray in Daniel Arap Moi loo sameyn doono aas qaran balse wixii faahfaahin ah ay dowladda dib ka soo sheegi doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here