Kenya oo maanta Addis Ababa ku soo bandhigeysa ololaha ay ugu jirto golaha UNSC

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa maanta magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya waxay si rasmi ah ugu soo bandhigi doontaa ololaha ay dowladda Kenya ugu jirto inay xubin aan joogto ahayn ka noqoto golaha ammaanka ee qaramada midoobay(UNSC)
Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda Dr. Monica Juma ayaa qoraal ay goor dhow soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitarka ku sheegtay inay saaka gaartay Addis Ababa hallkaasi oo uu ku soo dhaweeyay ambasadoor George Morara Orina .
Kenya ayaa ku dadaalaysa in iyadoo adeegsanaysa dibloomaasiyiinta ku matalo wadamada kale ee caalamka ay hesho taageero u fududeyn karo inay ku biirto golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Dr. Monica Juma ayaa ololahan ku tilmaantay mid ku saleysan istaraatiijiyad si xeeladeysan loo dejiyay.
Waxay sheegtay in bartilmaameedsiga Kenya uu yahay inay hesho codad dhan 129 oo ka mid ah 193 wadan oo ku bahoobay qaramada midoobay.
Dr. Juma ayaa intaasi ku dartay in xita saraakiisha sar sare ee dowladda lagula taliyay in marka ay wadamada kale safarrada ku tagayaan ay suuqgeeyaan musharaxnimada Kenya.
Dowladda Kenya ayaa iyadoo hal ku dhiggeeda uu yahay ka shaqeynta nabadda iyo amniga si horumar wax ku ool ah loo gaaro, waxay dalalka kale ee qaaradda u ballanqaadday in haddii ay golaha UNSC ka mid noqoto ay xoogga saari doonto sidii la isugu xiri lahaa ururada gobolka.
In kastoo wadamada aan xubno joogta ka ahayn golahaasi aynan awood buuxda u lahayn dhanka codka la xariira xayiraadda dalalka la saaro haddana waxaa lagu hardamaya hoggaanka wareegtada ah ee golaha UNSC ee dalkii markaasi haya fursad u siiyo inuu lahaado saameyn dhinaca ajeendayaasha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here