Kenya oo maanta laga diiwangaliyay 447 kiis

Waxaa sii kordhaya kiisaska fyruuska gudaha dalkani Kenya iyadoona maanta dalka laga diiwangaliyay tiradii ugu badneyd tan iyo markii uu wadanka ka bilawday xanuunkan aduunka saameeyay.
Kiisaska maanta la shaaciyay ayaa dhan 447 taas oo tirade guud ka dhigtay 8,975 .
Kiisaskan cusub ayaa la helay ka dib markii 24-kii saacadood ee la soo dhaafay baaritaan lagu sameeyay dheecaan dhan 3,803 sida uu sheegay wasiirka cafaimaadka ee dalka Mutahi Kagwe isagoona maanta ku sugnaa magaalada Mombasa.
Isagoo ka hadlayey magaalada Mombasa maanta inta lagu gudajiro warbixinada maalinlaha ah ee xaalada Covid-19 ee Kenya, Mr Kagwe wuxuu shaaca ka qaaday in 4 qof oo dheeraad ah ay caabuqan u dhinteen taas oo dhimashada guud ka dhigtay 173.
Hase ahaate waxaa sare u sii kacaysa tirade dadka ka soo kabanaya xanuunka iyadoona ay gaartay 2,656 ka dib markii ay 64 bukaano laga saaray isbitaalada iyagoona ka caafimaaday Corona.
Dadka uu soo ridanayo cudurkan waxaa ugu badan Rag iyadoona maanta kaliya ay 280 rag ka mid ahayeen kiisaskii la diiwangaliyay halka 167 ay dumar yihiin.
Kiisaskii manata la xaqiijiyay bukaanka ugu da’da weyn waa 88 halka kan ugu yar uu yahay cunug hal sano jir ah, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here