Kenya oo maanta laga xusaya maalinka Madaraka Day

Waxaa gudaha maanta looga dabaal degaya maalinka qaran ee Madaraka Day .
Xuskan oo la qabto 1-da bisha lixaad ee sannad kasta ayaa loogu dabaal degaa xilligii ay Kenya 1963-dii madax bannaanida ka qaadatay guumeystihii ingiriiska.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shacabka la hadli doono isagoo ku sugan madaxtooyada wadanka looga arrimiyo ee State House.
Xuska Madaraka Day ee sannadkan ayaa ku soo aadaya iyadoo dalka uu ka jiro cudurka saameynta yeeshay ee Covid-19.
Waxaa horay dhici jirtay in dadweynaha ay isugu tagaan fagaaraha kala duwan ee ismaamullada halkaas oo ay mas’uuliyiinta khudbado ka jeedin jireen balse hadda taasi ayaa meesha ka baxday.
Dowladda ayaa mamnuucday isku imaatinka dadweynaha si looga hor tago faafitaanka fayraska.
Shacabka ayaa loogu baaqay inay guriyahooda ku sugnaadaan oo ayna warbaahinta kala socdaan khudbadda tooska ah ee hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here