Kenya oo Maraykanka ka helaysa deeq dhan 500 oo kun oo doolar

Waxaa lagu wadaa in dowladda dhexe ay hesho taageero dhaqaale oo gaaraya 500,000 oo doolar kaddib ballanqaad uga yimid Maraykanka.
Xukuumadda Washington ayaa sheegtay inay deeqdan ku biirin doonto barnaamijyada Dowladda ay ku xakameynayso faafitaanka cudurka COVID-19 ee uu sababo caabuqa Coronavirus.
Waxaa arrinkan fulin doonto hay’adda horumarka caalamiga ee (USAID) oo kaashanaysa wasaaradda caafimaadka iyo ismaamullada dalka.
Maraykanka ayaa horay u taageeray Kenya waxayna deeqdan dheeraadka ah lacagta ilaa iyo hadda uu dalka siiyay ka dhigaysa hal milyan oo doolar.
Safiirka Maraykanka u fadhiyo magaaladatani Nairobi Mr. Kyle McCarter ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay Dowladda iyo shacabka dalka garab ku siiyaan ka falcelinta , daaweeynta iyo ka soo kabashada saameynta cudurka safmarka ah.
Waxaa uu intaa ku daray in toddobaadkan gudihiisa hay’adda USAID ay tababaro la xiriira maareynta kiisaska Coronavirus ku qaban dooto ismaamullada Kitui, Kajiado iyo Kwale .
Tababarada ayaa la siinaya in ka badan 700 oo ah howlwadeenada caafimaadka ee ka shaqeeya 33 ka mid ah ismaamullada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here