Kenya oo maraykanka ka heshay deeq dhan 340 milyan

Dowladda Kenya ayaa Maraykanka ka heshay caawimaad dhanka cunnada ah oo qiimo ahaan lagu qiyaasay 340 milyan oo shilinka dalka ah.
Taageeradan ayaa loogu tala galay inay dowladda ka caawiso dadaallada ku aaddan la tacaalidda cunno yarida.
Maamulka talada haya ee Jubilee ayaa ku howlan dhaqangelinta afar arrimood oo ugu waaweyn oo uu dadweynaha u ballanqaaday xilligii ololihii doorashada.
Qorshayaashan ayaa kala ah helidda adeegyo caafimaad oo dhameystiran, sare u qaadidda wax soo saarka, guriyeynta iyo wax ka qabashada cunno yarida.
Waxaa dalka saameyn ku yeelatay abaar sababtay inuu hoos u dhac ku yimaado wax soo saarka beeraha.
Xafiiska FFP ee hay’adda USAID ayaa shaaca ka qaaday in dekadda Mombasa ee gobolka xeebta laga soo dejinayo 18,300 oo taan oo cunno gargaar ah.
Waxaa caawimaaddan ka faaiidaysanaya in ka badan 39,000 qof oo ku nool sagaal ka mid ah deegaanada dalka ee lagu tilmaamo oomanaha maadaama roobabka aynan ku badneyn inta badan ay abaaruhu saameeyaan.
Cunnadan ayaa waxaa qeybin doonto hay’adda WFP oo garab ka helaysa dowladda Maraykanka.
Ismaamullada la qorsheeyay inay ka faaiidaan ayaa kala ah Turkana, Baringo, Marsabit, Isiolo, Samburu, Mandera, Wajeer, Garissa iyo Tana River.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here