Kenya oo qaramada midoobay u dirtay baaq ka dhan ah Al-shabaab

Kaddib weerarkii maalinkii jimcada ka dhacay magaalada Kismaayo , dowladda Kenya ayaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay ugu baaqday inay sii xoojiso tallaabooyinka ka dhanka ah kooxdani.
Wasiiradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Monica Juma ayaa weerarkaasi oo dadka ku dhintay ay ka mid ahayeen saddex qof oo Kenyaan ah ku tilmaantay mid caalamka ku baraarujinayo in weli loo baahanyahay in la guda galo howlgalo dheeraad ah.
Waxay intaasi ku dartay in golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ay ugu baaqeyso inuu hormuud ka noqdo dadaalada wadamada kala duwan ay isga kaashanayaan in la wiiqo awoodda Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here