Kenya oo shaacisay xilliga ay si rasmi ah u soo bandhigayso ololaheeda golaha UNSC

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday in 7-da bisha 11-aad ee sannadkan dowladda Kenya ay si rasmi ah u soo bandhigi doonto ololaha ay ugu jirto inay noqoto xubin aan si joogto ah uga mid ahayn golaha ammaanka ee qaramada midoobay ee (UNSC) .
Qorshahan ayaa lagu soo bandhigayaa magaalada New York ee Maraykanka waxaana guddoomin doonto wasooradda arrimaha dibadda ee wadanka Dr. Monica Juma.
Hoggaamiyaha dalka ayaa arrintan ka hadlay xilli uu khudbad ka jeedinayay kulan ka dhacay magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in maadaama Kenya ay taageero ololahan ku aaddan ka heshay midowga Afrika, Monica Juma ay bisha berri billaabanaysa si rasmi ah u daahfuri doonto.
Bishii sideedaad ee sannadkan ayay ahayd markii midowga Afrika uu isku raacay inuu Kenya ku taageero dadaalka ay ugu jirto inay ku biirto golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here