Kenya oo soo bandhigtay xeerka daryeelka caafimaad ee aasaasiga ah

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa soo bandhigtay labo dokumeenti oo la xiriira xeerka daryeelka caafimaad ee aasaasiga ah.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo kiisaska cudurka COVID-19 ee dalka ay gaareen 11,673 kaddib markii shalay la shaaciyay 421 oo dheeraad ah.
Wasiirka caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa xeerarka istaraatiijiyeed ee la soo bandhigay ku kala sheegay midka 2019-2024 -ka iyo adeegyada caafimaad ee bulshada ee 2020-2030.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in nidaamyadan lagu saleyn doono bixinta adeegyada caafimaad si ay u noqdaan kuwa ka turjumaya baahida dadweynaha.
Kagwe ayaa xusay in sido kale ay fududaan doonto in la daadajiyo adeegyada caafimaadka ilaa heer deegaanada hoose sido kalena la xoojiyo ka hor tagga cudurada.
Wasiirka waxaa uu sheegay in si loogu guulaysto barnaamijka caafimaadka guud ee (UHC) uu jiro halbeeg hoose oo aasaasi ah.
Wasaaradda caafimaadka ayaa shaaca ka qaadday inay tababartay oo ayna shaqalaysiisay 31,780 oo ah saraakiisha si iskood ah uga shaqeeyo caafimaadka bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here