Kenya oo soo dhawaysay maalgashiga dalka Qatar

Dowladda dalkani Kenya ayaa soo dhawasay xiriirka maalgashiga ee dalka Qatar ka dib markii uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta uu la kulamay ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani.
Madaxweyne Uhuru Kenyaatta ayaa muujiyay sida uu ugu qanacsanyahay iskaashiga laba geesoodka ah ee Kenya kala dhaxeeya Qatar.
Qatar iyo Kenya ayaa ka wada hadlay dib u soo cusbooneysiinta Tamarta,guriyaha la awoodi karo iyo isgaarsiinta kuwaasi oo ka mid ah ajendayaasha ugu waaweyn oo ay qorsheynayso dowlada Kenya.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyaatta iyo Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka Qatar ayaa isla soo hadal qaaday inay iska kaashan doonaan isku xirka magaalooyiinka Mombasa iyo Doha si loo hirgaliyo qad Tareen oo isku xiraa magaalooyiinkaasi.
Sido kale madaxweyne Uhuru Kenyaatta ayaa sheegay in dhawaan la daahfuri doono duulimaadyada Qatar Airlines ee magaalada Mombasa si ay Doha duulimaadyo u gayso usbuuci laba mar.
Dhankiisa Raiisel wasaare kuxigeenka dalka Qatar Abdulrahman Al-Thani, oo salaan uga sida Amiirka Qatar Tamim bin Xamad Al Thani, madaxweyne Kenyaatta ayaa sheegay in dalkiisu ay sii xoojin doonaan saaxibtinimada Kenya
Kenya iyo Qatar ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa ka dhaxeeyay xiriir aad u wanaagsan oo iskaashi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here