Kenya oo soomaaliya ka dalbatay inay baarto diyaaradii Bardaale ku soo dhacday

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbatay in ay baritaan ku sameyso diyaaraddii shalay ku dhacday magaalada Bardaale.
Diyaaradda ayaa Shixnad daawo oo loogu hortagayo cudurka Covid 19 u siday degmada Bardaale ee Gobolka Bay waxaana shilkaas ku dhintay dhamaan rakaabkii saarnaa .
Waxaa ay isugu jireen laba duuliye oo u dhashay Kenya iyo afar muwaadiniin Soomaali ah.
Kenya ayaa dhacdadaasi ku tilmaantay mid nasiib darro ah oo laga qoomamoodo.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa bayaan ay maanta soo saartay ku sheegtay in diyaaradda la soo riday sidaas awgeedna ay doonayso in soomaaliya ay baaritaannada dardargeliso.
Sido kale qoraalka wasaaradda ayaa lagu xusay in dhibaatada dhacday ay saameyn karto howlaha gargaarka eel aga fulinayo gudaha soomaaliya.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya diyaarada ayaa soo dhacday abaare 3.30 galabnimo ee shalay.
Maamulka maareynta duulimaadyada dalka ee KCAA oo wareysi siisay warbaahinta ayaa sheegtay in diyaaradda ay ka shaqeyneysay Soomaaliya laga soo bilaabo 2-dii bishii Marso ee sannadkaan
Agaasimaha Guud ee KCAA Captain Gilbert Kibe ayaa sheegay in uu lumay xiriirkii ay la lahaayeen rakaabkii saarna diyaaradda ee Afrika Express saacadu markii ay ahayd 4.30 galabnimo ee shalay.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya ayaa markii dambe sheegtey inay wadaan baaritaano iyagoona sheegay in jawaabta ay soo gudbin doonaan waqtiga ku habboon

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here