Kenya oo taageero ay ugu biirayso golaha UNSC ka heshay Algeria

Dowladda Algeria ayaa noqotay wadankii ugu dambeeyay ee taageero u muujiyo Kenya oo dadaal ugu jirto in xubin aan joogto ahayn ay ka noqoto golaha ammaanka ee qaramada midoobay .
Safiiradda cusub ee Algeria ku matali doonto dalka Selma Malika Haddadi ayaa arrinkan shaaca ka qaadday.
Waxay sheegtay in dalkeeda uu kalsooni buuxda ku qabo Kenya oo ayna rumeysanyihiin inay u ololeyn karto danaha qaaradda Afrika.
Sido kale safiiradda ayaa xustay inaan marnaba la dhayalsan karin kaalinta Kenya ay ka qaadatay nabadgaliyada iyo xasiloonida gobolka.
Hadalkan ayay jeedisay xilli madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ay kula kulantay madaxtooyada State House.
Mr. Kenyatta ayaa sido kale warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay danjire Jahangir Kabir Talukder oo matalaya dowladda Bangladesh.
Hoggaamiyaha dalka ayaa labadan mas’uul u xaqiijiyay inay ka go’an tahay inuu ka shaqeeyo sidii Kenya iyo wadamadooda uu uga dhexeyn lahaa iskaashi aad u qota dheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here