Kenya oo toddobaadkan soo bandhigaysa ololaha ay ugu jirto ku biiridda golaha UNSC

Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Dr. Monica Juma ayaa la filayaa inay 7-da fiidnimo ee Arbacada ay si rasmi ah magaalada New York ee Maraykanka ay ugu soo bandhigto ololaha Kenya ay ugu jirto inay noqoto xubin aan joogto ahayn oo ka tirsan golaha ammaanka ee qaramada midoobay.
Waxay hoggaamin doontaan wafdi ballaaran oo halkaasi ku muujinayo sida dowladda dalka ay uga go’antahay in dadaalkii ay in muddo ah soo wadday uu miro-dhal noqdo.
Dowladda dhexe ee dalka ayaa horay taageero arrinkan ku aaddan ka heshay midowga Afrika kaddib markii in ka badan saddex meelood laba meel xubnaha AU-da ay u codeyeen.
Dr. Juma ayaa hoosta ka xarriiqday in munaasabadda maalmo kaddib dhacaysa ay muhiimad weyn u leedahay wadanka.
Waxay ku nuuxnuuxsatay in Kenya ay dadaal dheer gelisay ololahan oo ayna rajeynayso inay ku guulaystaan tartanka qabsoomaya 6 bilood kaddib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here