Kenya oo xirtay xadka dhanka Lamu ee ay la leedahay Soomaaliya

Dowladda ayaa xirtay xadka ay la wadaagto wadanka dariska la ah ee Soomaaliya gaar ahaan dhanka ismaamulka Lamu ee gobolka Xeebta.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo sare loo sii qaaday howlgalada ka dhanka ah xarakada Al-shabaab.
Taliyaha booliska ee dowlad deegaanka Lamu, Mr Muchangi Kioi ayaa warbaahinta u sheegay in xadka uu u furnaan doono ama ay isticmaali karaan oo keliya ciidamada ammaanka.
Sido kale dadweynaha ku nool tuulooyinka u dhow xadka ayaa laga mamnuucay inay howlo ganacsi dhinaca kale u gudbaan.
Mr. Kioi ayaa carrabka ku dhuftay in ganacsade waliba oo amarkan aan u hoggaansamin lagala laabanayo ogolaanshaha xabsigana loo taxaabayo.
Xiritaanka soodhinta ayaa timid kaddib markii dowladdu ay dhawaan mamnuucay howlaha kalluumeysiga ee laga sameeyo xeebaha xiga Soomaaliya.
Dhanka kale saraakiisha waaxda duurjoogta iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta siyaasadeed ee ismaamulka Kilifi ayaa billaabay wacyigelin ay shacabka u sameynayaan oo ku aaddan kallumeysiga sharci darrada ah.
Mas’uuliyiintan oo uu hor kacayo xildhibaanka deegaanka waqooyiga Kilifi Owen Baya ayaa dadweynaha u sheegaya in kallumeysiga noocan oo kale ah uu khasaare ku keenayo dhaqaalaha dalka sidaasi awgeedna la doonayo in laga tanaasulo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here