Kenyaaanka faafinaya wararka been abuurka ee Coronavirus oo la xirayo

Golaha wasiirrada ee dalka ayaa kulan uu yeeshay kaddib waxaa saraakiisha ammaanka amar lagu siiyay inay xabsiga u taxaabaan cid kasta oo faafisa macluumaad aan xaqiiqda ku saleysnayan oo ku aaddan caabuqa Coronavirus (COVID-19)
Waxaa kulanka shir guddoominayay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Sido kale golaha wasiirrada ayaa warbaahinta dalka uga mahadceliyay qaabka ay dadweynaha u wacyigelinayana.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa dhanka kale amray in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaado ganacsade kasta oo isagoo ka faaiidaysanaya dhibaatada jirta kordhiya qiimaha badeecooyinka ama waxyaabaha nadaafadda loo adeegsado.
Sido kale wasaaradda maaliyadda ayaa laga doonaya inay dib u eegis ku sameyso qorsheynta dhaqaalaha si miisaaniyad loogu qoondeeyo la tacaliidda arrimaha taagan iyo waxyaabaha soo kordho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here