Kenyaan badan oo wajahaya Gaajo

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Maareynta Abaaraha dalka (NDMA) ayaa muujineysa in 2.6 milyan oo kenyaan ah ay wajahayaan macluul gaajo.

NDMA ayaa sheegtay in 3 bilood ee soo socotaa ay gaari karto 3 milyan o qof oo kenyaan ah inay wajahaan gaajo.

Warbixintan ay soo saartay hay’adda maareynta  abaaraha ayaa lagu xusay in degmooyiin ka mid ah dalka ay la dhibaatoonayaan abaaro daran.

Ismaamulada ay abaarda si weyn u saamaysay ayaa  kala ah Turkana, Mandhera, Baringo Wajir, Gaarisa, Marsabit iyo Tana River ,Kitui, Makueni, Kilifi, iyo waqooyiga Meru .

Bishii Febraayo ee sanadkan ayay ahayd markii warbixin la soo saaray lagu sheegay in 1.1 milyan oo kenyaan ah ay heyso Kenya taasi oo hadda u muuqataa inay sare u sii kacday.

Dowladda ayaa la sheegay inay diyaarisay qorshe dhamaystran oo wax looga qabanayo abaaraha.

Wasirka wasaaradda  dowlada wadajinta Eugene Wamalwa ayaa xaqiijiyay.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here