Kenyaan ka mid ah dadka ku waxyeeloobay weeraro ka dhacay Koonfur Afrika

Safiirka dowladda Kenya ku matalo dalka Koonfur Afrika Mrs. Jean Kamau ayaa maanta oo arbaco ah sheegay in dadka ay waxyeeladu ka soo gaareen weerarada ku saleysan ajnabi naceybka ee laga soo tabiyay Koonfur Afrika ay ka mid yihiin shakhsiyaad wadanka u dhashay.
Mas’uulkan ayaa warbaahinta u xaqiijisay in dhowr qof oo Kenyaan ah lagu weeraray gobolka Gauteng.
Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa dhankooda sheegay in ilaa iyo hadda ay xabsiga u taxabeen 189 qof oo dhacdooyinkaasi lala xariirinayo.
Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalooyinka Pretoria iyo Johannesburg ee gobolka Gauteng iyo kuwo kale ka socdeen weeraro ku saleysan ajnabi naceyb.
Ugu yaraan 5 qof ayaa lagu dilay weeraro lagu qaaday meherado ganacsi oo ay leeyihiin dad aan wadankaasi u dhalan.
Dhacdooyinkan ayaa si carol eh looga fal celiyay iyadoo madaxweynaha Koonfur Afrika ,Cyril Ramaphosa uu sheegay in weeraradaasi aan wax qiil ah loo raadin Karin sido kalena aan marnaba la oggolaan Karin ay dhacaan isagoo ballanqaaday inuu sida ugu dhaqsiyaha badan ku soo afjarayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here