Kenyaan ku xayirnaa ingiriiska oo billaabay inay dalka yimaadaan

Qaar ka mid ah muwaadiniinta Kenyaanka ah ee tan iyo markii uu dillaacay cudurka ccovid-19 ku xayirnaa ingiriiska ayaa wadanka dib ugu soo laabtay.
Diyaarad sidday 84 qof ayaa xalay ka soo caga dhigatay garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA, magaaladatani Nairobi.
Waxay soo raaceen mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda qaran ee duulimaadyada ee Kenya Airways oo ka soo ambabaxday magaalada London.
Dadkan oo horay u sii xushay goobaha karantiilka ee la geynaya ayaa goobta diyaaradda ku soo bandhigay shahaadooyin muujinaya inuunan saameyn caabuqa coronavirus.
Rakaabka ayaa lagu baaray gudaha gagida ka hor inta aan loo sii qaadin goobaha karantiilka.
Inta u dhaxaysa maanta ilaa iyo Jimcaha waxaa la filayaa inay dalka dib ugu soo laabtaan muwaadiniin ku sugan wadamada India iyo Shiinaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here