Kenyaan loo aqoonsaday macallinka ugu wanaagsan caalamka oo khudbad u jeedin doono golaha qaramada midoobay

Peter Tabichi ah macallin u dhashay dalka oo sannadkan gudihiisa loo aqoonsaday inuu yahay midka ugu wanaagsan caalamka ayaa lagu wadaa inuu khudbad u jeediyo xubnaha golaha guud ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa.
Khudabaddaasi ayuu uga hadli doonaa sida ay ugu suurtagashay inuu abaalmarinta caalamiga ku guulaysto.
Kalfadhigga 74-aad ee golaha guud ee qaramada midoobay ayaa maanta la furmaya magaalada New York ee Maraykanka.
Mr. Tabichi ayaa ka mid ah macallimiinta dugsiga sare ee Keriko ee ee deegaanka Njoro, ismaamulka Nakuru.
Bishii saddexaad ee sannadkan ayay ahayd markii loo aqoonsaday macallinka ugu wanaagsan caalamka isagoo sido kale la guddoonsiiyay abaal marin dhan hal milyan oo doolar.
Mr.Tabichi ayaa bilooyin kaddib markii uu guulaystay waxay hay’adda Varky Foundation u aqoonsatay horyaalka u ololeeya tacliinta carruurta ku nool dalalka ay ka jiraan colaadaha .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here