Kenyaanka isticmaalo twitarka oo ka falceliyay bandowga Jimcada dhaqangalaya

Dadweynaha adeegsada baraha bulshada ay ku wada xiriirto gaar ahaan twitarka ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay amar galinkii dambe ee shalay uu ku dhawaaqay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in laga billaabo 27-ka bishan oo Jimcada ku beegan guud ahaan wadanka uu Bandow ka dhaqangalaya.
Waxaa uu bandowga jiraya inta u dhaxaysa 7-da fiidnimo ilaa iyo 5-ta aroornimo.
Shacabka qaar ayaa sheegaya in ku tallaaba qaadka arrintan ay dhibaato dheeraad ah keeni doonto.
Waxay ku andacoonayaan in hadii dad badan oo aan amarka u hoggaansamin gacanta lagu dhigo oo xabsiyada la geeyo ay sii jiraysa dhibaatadii la doonayay in la xakameeyo ee ah faafitaanka cudurka Covid-19.
Dhanka kale Kenyaanka qaar ayaa soo dhaweeyay amarka dowladda .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here