Kenyaanka ku nool Shiinaha oo uunan saameyn caabuqa Coronavirus

Danjiraha dowladda Shiinaha ku matalo dalka ,Wu Peng ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inuunan jirin kiis ku saabsan Kenyaan ku nool gudaha wadankaas oo lagu arkay caabuqa Coronavirus.
Waxaa uu muwaadiniinta dalka ee halkaas deggan ama wax ka barta ugu baaqay inay isdejiyaan oo aynan walaac muujin.
Mas’uulkan ayaa ku nuuxnuuxsaday in marka la eego xaaladda jirta gaar ahaan badqabka aynan wanaagsaneyn in la soo daadgureeyo shacabka Kenyaanka eek u sugan Shiinaha.
Wu Peng ayaa carrabka ku adkeeyay inuu dareemayo walwalka ay muujinayaan waalidiinta ay carruurtooda Shiinaha ku maqan yihiin balse uu u xaqiijinaya inay badqabaan.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii wasaaradda caafimaadka ee dalka ay shaaca ka qaadday in la baaray saddex arday oo dhawaan ka soo laabtay Shiinaha balse aan lagu arkin astaamo caddeynaya inuu saameeyay firuusiga Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here