DHAGEYSO:Kenyaanka ku sugan Shiinaha oo cabanaya

Kenya ayaa sheegtay inay dacwad u gudbisay Chinaha taasi oo la xariirta dad Afrcan ah oo ay Kenyaan ku jiraan oo wadooyiinka seexda kadib markii guriyahooda qasab looga saaray.
Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa la arkayay Kenyaan darbiyada seexanaya kuwaas oo sheegay in lagula kacay fal aan wanaagsaneyn markii guriyahooda laga saaray.
Shiinaha ayaa sheegay inuu tani u sababaynayo ka hortago caabuqa CoronaVirus isagoona sheegay inuu la imaan doono qorshooyiin cusub oo looga hortagi doono cudurkaas.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay Shiinaha kalsooni ka heshay oo ayna badqabaan Kenyaanka la sheegay in fal cunsurnimo lagula kacay magaalada Guangzhou
31-kii bishii Dec ee sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha uu ka bilawday cudurkan aduunka dhan hadda ku dilay dad gaaraya 100,000 oo qof.
Dalka Shiinaha waxaa u dhimatay cudurkan dad dhan 3,336 waxaa uuna asiibay 81,907 iyadoona ay ka bogsadeen 77,455.
Dalkani Kenya oo ka mid ah dalalka Africa oo uu saameynta ku yeeshay xanuunka COVID-19 ayaa waxaa hadda lala tacaalaya xaaladooda caafimaad 189 qof .
Dowlada dalkani Kenya ayaa dadaalo xoogan ugu jirta sidii ay u xakameyn lahayd cudurkan.

Dhanka kale barasaabka ismaamulka Mandera Ali Ibrahim Roba ayaa shacabka ugu baaqay inay raacaan talaabooyiinka Dowladda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here