Kenyaanka ku xayiran Ingiriiska oo fursad labaad helaya

Muwaadiniinta qurbajoogta ah ee ku xayiran Ingiriiska gaar ahaan magaalada London ayaa helaya fursad labaad oo ay dib ugu soo laaban karaan dalka.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday safiirka Kenya ee Ingiriiska Manoah Esipisu oo bayaan soo saaray.
Mr. Esipisu ayaa qoraalka ku xusay in 15-ka bishan la filayo in diyaarad rakaab sido ay ka soo duusho magaalada London.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in duulimaadkan uu noqonaya midkii labaad ee lagu soo daadgureynaya kenyaanka qurbajoogta ah gaar ahaan kuwa ku sugan boqortooyada Ingiriiska.
Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Ambasadoor Macharia Kamau ayaa dhankiisa sheegay in dowladda ay sameynayso wax kasta oo ay awoodo si Kenyaanka wadamada kale ku xayiran dib loogu soo celiyo dalkooda hooyo.
Mr. Kamau ayaa xusay in ilaa iyo hadda 700 oo muwaadiniin ah loo fududeeyay inay wadanka yimaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here