Kenyaanka oo badankoodu raacaya tallaabooyinka looga hor tago coronavirus

Darasaad cusub oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 94 ee dadweynaha aynan aad isugu dhawaan halka 92 boqolkiiba ay iska ilaaliyaan inay gacmaha isku salamaan.
Boqolkiiba boqol dadka lagu wareystay cilmi baaristan ayaa sheegay inay ka war qabaan in dalka iyo guud ahaan caalamka uu ka jiro caabuqa corona.
Sido kale boqolkiiba 90 ee dadka su’aalaha la weydiiyay waxay xuseen inay inta badan guriyaha joogaan hadii aynan u baxeyn dani aan laga fuursan Karin.
Boqolkiiba 99 ee dadka su’aalaha la weydiiyay waxay sheegeen inay guriyahooda ku diyaariyeen meelo gaar u ah gacmo dhaqashada halka 97 boqolkiiba ay isticmaalaan afxir ama maaskaro.
Darasaaadka wasaaradda caafimaadka ayaa tilmaamaya in 9 ka mid ah 10-kii qof ee wadanka ku nool ay u hoggaansamaan amarrada iyo talooyinka caafimaad ee lagula dagaalamaya cudurka COVID-19.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sido kale cilmi baaristan ka qayb gelisay 5,986 oo ah haweenka ku nool ismaamullada galbeedka Pokot, Bungoma, Kakamega, Siaya, Nandi, Kericho, Nyamira, Kiambu, Nairobi, Kitui iyo Kilifi .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here