Kenyaanka oo cabasho ka muujinaya culeys dhaqaale

Darasaad ay sameysay shirkadda cilmi baarista ee Infotrak ayaa lagu ogaaday in Kenyaanka badankooda ay walaac ka muujinayaan culeys dhaqaale oo soo foodsaaray tan iyo intii uu billowday cudurka Covid-19.
Bishii Afaraad ayay ahayd markii boqolkiiba 28 ee dadka la wareystay ay dareenkan mid la mid ah muujiyeen.
Hasa ahaate waxay hadda fikir noocan ah qabo boqolkiiba 41.
Boqolkiiba 87 ee dadka darasaadkan lagu wareystay waxay sheegeen in qiimaha cuntooyinka ay sare u kaceen.
Boqolkiiba 79 waxaa ku adkaatay inay lacago u soo diraan eheladooda ku nool gudaha wadanka halka boqolkiiba 75 ay bixin la’yihiin deymo lagu yeeshay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here