Kenyaanka oo doonaya in dowladda ay xayiraadaha qaaddo

Iyadoo ugu yaraan boqol cisho ay ka soo wareegatay xilligii gudaha dalka lagu arkay caabuqa coronavirus ayay shacabka doonayaan in dowladda ay meesha ka saarto xayiraadaha jiro.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday darasaad ay sameysay shirkadda cilmi baarista ee Infotrak.
Mr Walter Nyabundi oo shirkadda u qaabilsan barmaamijyada gaarka ah ayaa sheegay in shaqa la’aanta horay u sii jirtay iyo dadka qaar oo musharaadka laga dhimay ay in badan oo dadweynaha ka mid ah ku dhalisay inay la qabsadaan saameynta dhaqaale ee uu sababay cudurka Covid-19.
Darasaadka waxaa lagu ogaaday in dadka badankoodu aynan u suurtagelin inay helaan waxyaabaha aasasiga u ah nolosha sida cuntada iyo adeegyada caafimaad taasoo walwal maskaxeed ku beertay.
Boqolkiiba 41 ee Kenyaanka waxay coronavirus u arkaan arrin saameyn dhaqaale oo shakhsiyeed ku yeelatay halka boqolkiiba 35 ay qabaan inay tahay xaalad caafimaad iyo mid dhaqaale labaduba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here