Kenyaanka oo ka hadlay warbixinta guddiga BBI ee la wada sugayo

Shacabka kenyaanka ah ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay waxyaabaha ay rajeynayaan in lagu soo bandhigo warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI oo lagu wado in saacadaha soo socdo lagu wareejiyo hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo madaxa mucaaradka Raila Odinga.
Qaar ka mid ah dadweynaha ayaa doonaya in si buuxda loo dhaqangeliyo qodobbadii ay ka ra’yi dhiibteen xilli ismaamuladooda loogu tagay.
Sido kale waxaa jiro kenyaan ka digaya in guddiga BBI uu horseedo in isbeddelada la sameynayo ay ka faaiidaystaan shakhsiyaad gaar ah oo keliya.

Arrintan ayaa si weyn looga hadal hayaa dalka iyadoo siyaasiyiinta ay ku kala aragti duwan yihiin.
Berri oo Arbaco ah ayaa la qorsheeyay in Kenyaanka warbixintan lala wadaago.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in shacabka loo soo bandhigi doono warbixinta isago ku baaqay in si deggan loo akhriyo loogana wada hadlo.
Waxaa uu xusay inay jiraan arrimo la doonayo in wax laga beddelo taasina aan la dafiri karin.
Guddiga BBI oo ka kooban 14 xubnood ayaa la soo magacaabay kaddib kulankii taariikhiga ahaa ee 9-kii bishii saddexaad ee sannadkii hore dhex maray madaxweyne Uhuru iyo hoggaamiyaha mucaaradka dalka Raila Odinga.
Kulankaasi iyo is-afgarad xigay ayaa meesha ka saaray xaaladdii siyaasadeed ee cakirneyd ee uu dalka xilligaasi ku jiray maadaama doorashooyin madaxtinimo oo dhacay lagu kala qeybsamay.
Raila iyo Uhuru ayaa soo bandhigay guddigan oo loo xilsaaray inay soo aruuriyaan aragtida dadweynaha ee ku saabsan ilaa sagaal qodob.
Qoddobadan ayaa kala ah dowlad wadaajinta, in cid kasta ay dareento inay dowladda ka dhex muuqato, xal u helidda doorashooyinka lagu kala qeybsamo,musuqmaasuqa, qabyaaladda, badqabka iyo ammaanka, la’aanta anshax qaran, barwaaqo iyo horumar la wada gaaro, xuquuqda iyo waajibaadka.
Guddoomiyaha guddigan ahna senetarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa shir jaraaid oo uu qabtay isbuucii hore ka sheegay in shakhsiyaad iyo xubnaha waaxyo ama ururo kala duwan ay soo gudbiyeen arrimaha ay u arkaan inay xal u noqon karaan caqabadaha ka taagan dalka.
Sido kale waxaa uu sheegay inay tageen dhammaan 47-da ismaamul ee wadanka sidaasi awgeedna ay u mahadcelinayaan in ka badan 7,000 oo qof oo Kenyaan ah oo ka soo kala jeedo jinsiyado, qabiilo iyo diimo kala gedisan kuwaasoo siyaabo kala duwan aragtidooda ugu soo gudbiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here