DHAGEYSO:Kenyaanka oo ka ra’yi dhiibtay warbixin ay soo saartay Nacada

Shacabka Kenyaanka ah ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay warbixin uu soo saaray maamulka qaran ee qaabilsan la dagaalanka isticmaalka daroogada ee loo yaqaano Nacada .
Waxaa warbixinta lagu sheegay in xita carruurta ay da’dooda tahay 4 sano ay halis ugu jiraan in lagu duufsado maandooriyaha maadaama ay kala garanayaan noocyada khamrada iyo xita adeegsiga sigaarka.
Daraasaad ay Nacada sameysay ayaa lagu soo bandhigay in boqolkiiba 20 ee ardayda wax ka barta dugsiyada hoose dhexe ee dalka inay balwad leeyihiin.
Kenyaanka muujiyay dareenkooda arrinkan ku aaddan ayaa eedda dusha uga tuuray waalidiinta oo ay ku dhaliileen inaynan waqti ku filan la qaadan carruurtooda.

 

Boqolkiiba 7.2 ee ardayda la wareystay waxay sheegayaan inay isticmaalayaan daawooyin loo soo qoray, 3.2 waxay adeegsanayaan tubaakada ,2.6 boqolkiiba khamriga ,2.3 boqolkiiba qaadka halka boqolkiiba 1.2 ay sheegeen inay isticmalaan noocyada kale ee maandooriyaha.
Darasaadka ayaa lagu sheegay in sababaha ardayda u horseedo inay daroogo isticmalaan inay ka mid tahay fasaladda lagu celiyo marka ay imtixaanka aynan ku guulaysan iyo waxbarashadooda oo hooseyso.
Xilliyada ugu badan ee ay ardayda daroogo isticmalaan ayuu maamulka Nacada ku sheegay marka fasaxa lagu jiro ee dugsiyada ay xiran yihiin, marka ay ardayda dugsiga ka soo tagaan oo ay xaafadahooda u jeedaan , sabti iyo axadda iyo xilliyada la qabto tartamada ka dhexeya dugsiyada kala duwan.
In ka badan 3000 oo arday ah ayaa daraasaadkan lagu wareystay.
Waxay wax ka dhigtaan dugsiyada ku yaalla goboladii hore ee Nairobi, bartamaha dalka , bariga ,waqooyi bari , xeebta , Rift Valley , Nyanza iyo galbeedka.
Boqolkiiba 89.3 ee ardayda waxay garanayaan tubaakada , 83.8 boqolkiiba khamrada halka boqolkiiba 77.8 ay aqoon u leeyihiin daroogada xashiishka.
Carruurta saameynta ugu badan ay soo gaarto ayaa ah kuwa ka soo jeedo qoysaska laga isticmaalo balwadda.
Maamulkan ayaa hadda doonayo in la meel mariyo shuruuc lagu xakameynayo dukaamada ama goobaha lagu caweeyo ee ku yaalla agagaarka dugsiyada.
Guddoomiyaha maamulka NACADA ,Julius Githiri ayaa waalidiinta iyo dhammaan dadka ay arrinkan si gaar ah u khuseyso ugu baaqay inaynan warbixintan fududeysan ama iska dhaga tirin.
Waxaa uu hoosta ka xarrriiqay inaan la joogin xilligii waalidiinta ay dhihi jireen suurtagal ma aha in carruurta ay sidan sameyaan.
Maamulka ayaa dhanka kale qaar ka mid ah barayaasha dalka ku eedeyay inay noocyada kala duwan ee balwadda geeyaan xarumaha waxbarashada.
Carruurta ugu tirada badan ee dhibaatadan u nugul ayay da’dooda u dhexeysa 13 iyo 15 sano.
Marka macallimiinta laga soo tago waxaa sido kale eedeyn loo jeediyay dadka dukaamada yaryar ku leh gudaha xarumahan iyo shaqaalaha kale ee dugsiyada.
Ugu yaraan 7 ka mid ah 10-kii arday ee su’aallo la weydiiyay xilligii daraasaadkan la sameynayay ayaa sheegay in isticmaalka balwadda ay ka billaabato dugsiyada.
Noocyada daroogada ee ay carruurta xilli hore billaabi karaan inay isticmalaan waxaa ka mid ah qaadka iyo tubaakada ka hor inta aynan u gudbin xashiishka iyo kuwa kale.
Boqolkiiba 72.8 ee ardayda daraasaadkan lagu wareystay waxay sheegeen inay suurtagl tahay in ardayga uu daroogo isticmaalo iyadoo macallinkiisa ama waalidka uunan ogaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here