Kenyaanka oo laga dalbaday inay soo wargaliyaan cudurka dilaaga ah ee Corona Virus

FILE PHOTO - Medical staff carry a box as they walk at the Jinyintan hospital, where the patients with pneumonia caused by the new strain of coronavirus are being treated, in Wuhan, Hubei province, China January 10, 2020. Picture taken January 10, 2020. REUTERS/Stringer/File Photo CHINA OUT

Kenyaanka ayaa loo soo saaray lambar fariin ah oo ay wasaaradda caafimaadka ugu diri karaan hadii ay arkaan cudurka Corona Virus .
Kenyaanka ayaa laga codsaday inay soo wargaliyaan wax walba oo ay uga shakiyaan caabuqaas.
Dowlada dhexe ayaa mamnuucday dhamaan shirarka caalamiga ah ee lagu qaban lahaa dalka muddo 30 maalmood ah cabsi laga qaba cudurka dilaaga ee coronavirus.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka, Mutahi Kagwe ahna guddomiyaha guddiga qaran ee gurmaadka degdega ee loo xilsaaray ka hor tagga iyo la tacaalidda caabuqan ayaa sheegay in dhamaan shirarkii caalamiga ee dalka ka qabsoomi lahaa iyo bandhigyadii caalamiga la maamnuucay.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in laba kulan caalami lagu qabta caasimasda dalka ee Nairobi ayaa dib loo dhigay.
Caabuqa Coronavirus ayaa ilaa iyo hadda waxaa uu galaaftay nolosha ilaa 3,300 oo qof wuxuuna saameeyay in ka badan 100 kun guud ahaan caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here