SAWIRO:Kenyaanka oo lagu ammaanay u hoggaansanka amarrada ka dhanka ah COVID19

Madaxweynaha dalka Mr .Uhuru Kenyatta ayaa ku amaanay shacabka Kenyaanka dadaalka ay u galeen dagaalka ka dhanka ah cudurka Covid-19.
Waxaa uu sheegay in dalka haatan uu ka soo kabsanayo saameynta cudurka.
Madaxweyne Kenyatta ayaa xusay in amarradii iyo tallabooyinkii ay soo rogtay dowladda ay saameyn ku yeesheen shacabka balse ay noqdeen kuwa miro dhalay.
Waxaa uu carabka ku dhuftay in howl wanaagsan la qabtay waana sababta kiisaska ay hoos ugu dhaceen.
Xilli uu maanta shir qaab online ah guddominiyay oo ku saabsanaa cudurka COVID19 ayuu shacabka Kenyaanka uga digay inay u dabaal dagaan guusha laga gaaray cudurka wuxuuna ku booriyay inay taxadar muujiyaan.
Shirka ayaa waxaa qayb ka ahaa saamileyda caafimaadka, Golaha guddoomiyaasha ismaamullada ee (CoG), wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe, dhigiisa wasaaradda waxbarashada Prof. George Magoha, safiirka Kenya ee dalka Japan Horie Ryoichi iyo wakiilka hay’adda caafimaadka adduunka WHO ee dalka Rudi Eggers.
Madaxweynaha ayaa sheegay in si guul looga gaaro COVID-19 loo baahan yahay in la helo adkeysi wanaagsan isla markaana laga baxo xeeladeynta loona gudbo jawaab celin istiraatiiji ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here