Kenyaanka oo lagu baaqay in ay geedo badan abuurtaan

Barasaabka ismaamulka Kisumu Prof. Anyang’ Nyong’o ayaa dadweynaha Kenyaanka ugu baaqay in ay geedo badan abuuraan si shacabka dalka ugu noolaadan jawi nadiif ah oo caafimaad qaba.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in jiritaanka qaran kasta uu ku dhisan yahay in dadkiisa uu geedo abuuro si bilicda deegaanka iyo caafimaadka bulshada loo dhowro.
Hadalkaan ayuu kaa jeediyay xili uu ka qeyb galayay daahfurka bandhiga tartanka orodka ee buuraha oo lagu qabtay ismaamulka Meru.
Gudoomiyaha oo munaasabada ka hadlay ayaa ku ammaanay ismaamulka Meru in ay safka hore kaga jiraan horumarinta daaqa ee gobolka.
Waxaa uu intaas ku daray in cudurka kansarku uu yahay cudur ka dhasha neefsashada iyo hawada wasakhaysan, sidaa darteed loo baahan yahay in la kordhiyo beerista geedaha si dalka u noqdo mid nadiif ah.
Prof. Nyong’o ayaa dowladda iyo shacabka ku booriyay in ay ku daydaan wixii ka dhacay dalka Maraykanka sannadkii 1972-dii, xili markaasi isaga oo arday ah uu ka qalin jebiyay jaamacadda Chicago, iyadoo xiligaasi madaxweyne uu ka ahaa dalka Maraykanka Richard Nixon uu caddeeyey in Ameerika ay aasaasayaan Wakaaladda Ilaalinta Deegaanka iyo nadiifinta.
Wuxuu intaa ku daray in cudurka kansarka ee ka jira loo aaneyn karo xumida iyo jimicsi la’aanta dadka Kenyaanka.
Prof. Anyang’ Nyong’o ayaa haatan la daala dhacaya cudurka kansaarka isagoo uu cudurkaan uu haleelay sannadkii 2010-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here