Kenyaanka oo lagu wargeliyay inay roobab dheeraad ah isku diyaariyaan

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa qoraal ay saacado ka hor soo saartay waxay shacabka ku wargelisay inay u diyaar garoobaan roobab dheeraad ah oo la rajeynayo inay da’aan.
Waaxda ayaa sheegtay in bishan gudaheeda la filayo inay roobab ka da’aan qeybo ka mid ah dalka.
Meelaha saadaasha ay tilmaamayso waxaa ka mid ah gobollada galbeedka, waqooyi bari, bartamaha iyo xeebta.
Waqooyiga galbeed ee dalka ayaa la sheegaya inay ka da’i karaan roobaab heerkoodu uu dhexdhexaad yahay.
Toddobaadkan gudihiisa waxaa la rajeynayaa inay roobab ka da’aan Naivasha, Narok, Kisumu, Eldoret, Kitale, Nyamira, Kericho, Kajiado, Machakos, Makindu iyo Voi.
Dadka safraya iyo kuwa shaqooyinka aadaya ayaa lagu boorriyay inay waqti dheeraad ah ku xisaabtamaan.
Sido kale waxay waaxdu shaaca ka qaadday inaad u baahan karto dallad iyo jaakad.
Shacabka ku nool Nairobi ayaa lagu boorriyay inay xilli hore shaqooyinka u kacaan si uunan u saameyn ciririga dhanka isku socodka baabuurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here