Kenyaanka oo lagu wargeliyay inay xaalado adag isku diyaariyaan

Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa shacabka ku wargeliyay inay isku diyaariyaan xaalado adag oo la xiriira cudurka dunida ka taagan.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu shaacinayay in gudaha wadanka ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay 172 kiis oo ah xanuunka Covid-19.
Tiradan oo horay ahayd 158 ayaa 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay waxaa ku kordhay 14.
Mr. Kagwe ayaa ku nuuxnuuxsaday in kastoo ay Dowladda dadaalayso haddana in dadweynaha laga doonayo inaynan fududeysan culeyska jiro oo ay u diyaar garoobaan tallaabooyin dheeraad ah oo lagu dhawaaqi karo hadii ay danta keento.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Dowladda ay danta ku khasabto inay qaadato go’aammo la dhibsado balse ay lagama maar maan noqonayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here