Kenyaanka oo loo diray digniin ku aaddan maaskarada

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shaaca ka qaaday inay ka war heshay arrin laga xumaado.
Xoghayaha wasaaradda ee dhanka maamulka Ms. Mercy Mwangangi ayaa sheegtay inay jiraan shakhsiyaad khiyaano sameynaya oo intay dib u cusbooneysiiyaan maaskarada ama aduubka sanka lagu xirto shacabka ka iibinaya.
Maradan ayay ka soo qaadayaan meelaha wasaqda lagu tuuro.
Ms. Mwangangi ayaa hoosta ka xarriiqday inaan arrinkan loo dulqaadan Karin oo ayna fal dambiyeed tahay.
Waxay wacad ku martay in tallaabo sharciyeed laga qaadaya qof kasta oo lagu helo dembi ah inuu halis gelinaya nolosha kenyaanka isagoo doonaya inuu ka macaasho.
Shacabka ayaa lagula taliyay inay aad uga taxadaraan meelaha ay maaskarada ka iibsanayaan si aanan loo khiyaamin.
Wasaaradda caafimaadka ayaa waaxda qaran ee adeegga booliska, shirkadda qiimeysa tayada badeecooyinka ee KEBS , maamulka qaran ee maareynta deegaanka ee NEMA iyo hay’adaha kale ee Dowladda ka dalbatay inay shakhsiyaadka ganacsigan ku howlan tallaabo ka qaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here