Kenyaanka oo looga digay roobab saameyn yeesha

Shacabka dalka gaar ahaan dadka ku nool agagaarka wabiga Tana ayaa lagula taliyay inay u guuraan dhul sare si uusan uu saamaynin biyo xireenka Kiambere oo buux dhaafiyey.
Biyo xireenkan ayaa gaaray heerkiisa ugu saraysay wuxuuna bilaabay daadinta biyaha taasi oo laga cabsi qbao inuu dhaliyo fatahaad xoogan.
Daadaka laga cabsi qabo inuu keeno biyo xireenka Kiambere ee Tana ayaa la sheegay inuu saameyn ku yeelan karo dadka ku nool Garissa,Garsen iyo Hola.
Maamulka Kheyraadka Biyaha (WRA) wuxuu soo saaray bayaan uu uga digayo shacabka wixii ku dhici karo hadii uu karkaarada jabsado wabiga Tana River iyo biyo xireenka Kiambetre.
waxaana feejignaan loogu baaqay dadka ku nool Tana Delta in aysan saameyn ka soo gaaren biyaha.
Tani ayaa timid ka dib markii waaxda saadaasha hawada ay ka digtay inay dalka ka da’i karaan roobab culus oo saameyn yeesha inta lagu guda jiro bishan Dec ila iyo bilawga sanadka cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here