Kenyaanka oo looga digay safarrada aan muhiimka ahayn

Iyadoo shalay ay dib u furmeen duulimaadyada caalamiga ee dalka ayaa shacabka looga digay inay u ambabaxaan safarrada aan aadka muhiimka u ahayn.
Waxaa digniintan soo saaray wasiirka wasaaradda caafimaadka ee Kenya Mr. Mutahi Kagwe.
Xilli uu warbaahinta kula hadlay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi ayuu wasiirku hoosta ka xarriiqay in duulimaadyada furmay aynan micnaheedu ahayn in kiisaska coronavirus ee wadanka ay yaradeen.
Mr. Kagwe ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in dib loo soo nooleyo dhaqaalaha dalka xita iyadoo uu weli jiro cudurka COVID-19.
Wasiirka ayaa dhanka kale xusay in dhammaan shaqaalaha garoomada diyaaradaha dalka la siiyay tababar ku saabsan cudurka COVID-19 si loo xaqiijiyo badqabkooda sido kale rakaabka ay u adeegaan.
Wasiirka gaadiidka iyo kaabayaasha waddooyinka Mr. James Macharia ayaa sheegay in diyaaradaha shirkadda qaran ee duulimaadyada ee Kenya Airways ay safarro ku tageen magaalooyinka London, Dubai, Addis Ababa iyo Dakar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here