Kenyaanka oo loogu baaqay inay iibsadaan dharka gudaha wadanka lagu soo saaro

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shacabka ku booriyay inay iibsadaan dharka ay soo saaraan shirkadaha wadanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dadweynaha laga doonayo inay maalgelin ka sameyaan gudaha dalka.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in shirkadaha maxalliga oo taageero buuxda ka helo kenyaanka ay sare u qaadayso wax soo saarkooda sido kalena xoojinayso kobaca dhaqaale ee ay dowladdu ku dadaalayso.
Sido kale waxaa uu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay dayac tirka shirkadaha maxalliga ee soo saaro dharka iyo waxyaabaha kala duwan sida Rivatex, Thika Cotton Mills , Ken Knit iyo kuwo kale.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dhanka kale xoojinta arrinkan ay shaqo abuur u tahay dhalinyarada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here