Kenyaanka oo loogu baaqay inay ka feejignadaan duumada

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shacabka ku boorisay inay iska ilaaliyaan qaniinyada kaneecada si uunan u saameyn cudurka duumada.
Xoghayaha labaad ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Rashid Aman ayaa xusay in roobabka xooggan ee ka da’aya qeybaha kala duwan ee wadanka ay horseedi karaan in dad badan uu soo rito xanuunka malaariyada.
Waxaa uu digniin gaar ah u diray dadka ku nool gobollada xeebta, galbeedka, Rift Valley iyo hareerada harada Victoria.
Dr. Aman ayaa carrabka ku dhuftay in kaneecada aynan karantiil ku jirin sidaas awgeedna ay sii faafi karto.
Dadka isku arko astaamaha lagu garto cudurka duumada ama malaariyada ayaa lagu wargeliyay inay daryeel caafimaad raadsadaan.
Dhawaan ayaa caalamka looga dabaaldegay maalinka dunida ee duumada.
Sannad kasta waxaa gudaha wadanka laga soo tabiyaa in ka badan 4 milyan oo ah kiisaska malaariyada ama duumada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here